Fahfaahin: Intee la egtahay Qasaaraha Qaraxa Muqdisho?

Waa weerarkii labaad oo ka dhacay nawaaxiga Xarunta NISA tan iyo bishii lasoo dhaafay, waxaana ay u dhaceen isku hal nooc.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Intee la egtahay Qasaaraha Qaraxa Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Qasaaraha Qarax culus oo galabta ka dhacay Muqdisho waxyar kadib markii uu kusoo laabtay RW Rooble.

Inta illaa hadda Booliska xaqiijiyay Qasaaraha wuxuu gaarayaa 4 qof oo askar iyo shacab isagu jira, kuwaasoo ku sugnaa Maqaaxida uu isku qarxiiyay nin isa soo miidaamiyay oo lugeynayay.

Naftii-haligaha ayaa galay gudaha Maqaaxida oo ku dhaw xarunta NISA, ee Habar-Khadiija, isagoo iska dhigay qof doonaya in Shaah laga iibiyo, kadibna is qarxiyay. Dhawaqa qaraxa waxaa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Muqdisho.

Dadkii goobta fadhiyay ayaa noqday kuwa dhintay iyo kuwa dhaawac ah, iyadoo gaadiidka gurmad ay u qaadeen Isbitaallada magaaladda Muqdisho, sida Goobjooge uu sheegay.

Waa weerarkii labaad oo ka dhacay nawaaxiga Xarunta NISA tan iyo bishii lasoo dhaafay, waxaana ay u dhaceen isku hal nooc, mana jirto cid illaa hadda sheegatay, balse Al-Shabaab ayaa falalka noocan ah ku caan baxday inay ka fuliso Soomaaliya oo 30 sano colaad ku jirtay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.