Fahfaahin: Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, iyadoo inta illaa hadda la xaqiijiyay dhimashada waa shan qof.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax Is-miidaamin ah ayaa Saakay ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasoo ay ka dhasheen khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Col Farxaan Qaroole ayaa laal eegtay qaraxa oo loo adeegsaday gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, oo lagula eegtay Isgoyska Banaadir xili mashquul badan jiro, oo dadka shaqooyinka loo kala cararay.

Inta la xaqiijiyay illaa hadda ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka 10 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo u badan shacab wadada marayay iyo kuwa Ganacsi ku lahaa, sida ay goobjoogiyaal u sheegeen Keydmedia Online.

Xaaladda goobta ayaa hadda degan, waxaana laga soo qaaday meydadka iyo dhaawacyada oo la dhigay Isbitaalka Madiina, mana jirto cid illaa hadda sheegatay mas'uuliyadda qaraxa.

Laakiin, Kooxda Al-Shabaab ayaa loo maleynayaa inay fulisay, maadama iyada looga bartay falalka argagaxiso ee ka dhacaya dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.