Fahfaahin: Qarax iyo Toogasho ka dhacay Muqdisho

Weerarka ayaa isagu jiray toogasho iyo qarax lagu beegsatay mas'uuliyiin katirsan maamulka degmada Kaxda.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Qarax iyo Toogasho ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Koox hubeysan oo illaa saddex qof ka kooban, islamarkaana loo maleynayo inay Al-Shabaab katirsan tahay ayaa weerar ku qaadey gudoomiye waaxeed katirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir saacadihii hore ee Maanta oo Talaado ah.

Sarkaal katirsan Booliska Soomaaliya, oo Capt Maxamed Xuseen lagu magacaabo ayaa u sheegay Keydmedia Online in weerarka lagu dilay gudoomiyaha waaxda shanaad ee degmada Kaxda Ibraahim Calow iyo gabar kale.

Waxaa la beegsaday xili degaanada ku teedsan duleedka galbeed ee Muqdisho ay kawadeen olole talaalka Dabeysha, iyadoo weerarka la sheegay inuu ka dhacay inta u dhaxaysa Ceelasha Biyaha iyo Kaxda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu dhacay qarax kadib dilka Mas'uulka, waxaana Sarkaal booliska sheegay in gaari ku xirnaa walxaha qarxa oo goobta looga tagay uu qarxay kaasoo ay wateen dableyda hubeysan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.