Fahfaahin: Qarax ka dhacay Beledweyne [Sawirro]

Lama oga cida ka dambeysa qaraxa, oo la rumeysan yahay in xubno la shaqeeya Al-Shabaab ay galiyeen qaraxa gudaha saldhigga booliska.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Qarax ka dhacay Beledweyne [Sawirro]

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Qarax miino ayaa Maanta ka dhacay gudaha saldhigga Booliska Beledweyne, kaasoo ka dhashay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhimatay qaraxa lagu aasay maqaayadda ku dhex taalla saldhigga Booliska, kuwaasoo kala ah duqii degmada Feerfeer Khaliif Muumin Garaad iyo haweenaydii lahayd Maqaayadda.

Waxaa ku dhaawacsay dhowr qof oo ay kamid yihiin taliyaha Saldhigga Booliska Maxamed Qoorsheel iyo gudoomiyaha Feerfeer Mahad Maxamed Xasan, kuwaasoo la dhigay Isbitaalka.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, oo kusoo aadaya xili Beledweyne u diyaar-garoobaysay qabashada doorashadda Aqalka Hoose, oo khilaaf ka taagnaa gobolka Hiiraan.

Hoos ka daawo Sawiradda:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.