Fahfaahin: Qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho

Muqdisho waxaa ka dhacay xalau howlgal ay fuliyeen Ciidanka NISA, kuwaasoo helay xog ku saabsan in Al-Shabaab weerar maleegayso.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka NISA ayaa ku qarxiyay Muqdisho walxo qarxa oo xalay kusoo qabteen Howlgal ay ka fuliyeen xaafadda Suuqa Xoolaha, ee degmada Heliwaa.

Qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho, waxayna NISA sheegtay in miinooyinkii lasoo qabtey lagu qarxiyay meel banaan ah degmada Kaaraan lagu qarxiyay.

Guutada Duufaan ee uu Fahad Yaasiin sameystay, oo ka kooban askar dhalinyaro ah oo Eritrea lagu soo tababarey ayaa fuliyay howlgalka xalay ka dhacay Suuqa Xoolaha.

Saddex qof oo la sheegay inay Al-Shabaab yihiin ayaa lagu soo qabtey howlgalka, iyadoo sidoo kale NISA sheegtay in la burburiyay goob qaraxyada ku keysan jirtay Kooxda.

Howlgalka ayaa imaanaya xili qaraxyada Muqdisho ay sii kordhayaan, oo amnigana faraha ka baxayo, waxaana weerarkii ugu dambeeyay ee Khamiistii ka dhacay wadada C/qaasim ay ku dhinteen sidee qof. Qaraxa waxaa fuliyay nin Mareexaan ah, sida ay sheegtay Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.