Fahfaahin: Qarax ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo

Qaraxa ayaa geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo gaarey askartii lala eegtay.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Qarax ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo

GAALKACYO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal askari oo katirsanaa Ciidanka Puntland ayaa ku dhintay, labo kalena way ku dhaawacmeen qaraxa xalay ka dhacay waqooyiga magaaladda Gaalkacyo, ee xarunta Mudug.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Keydmedia Online in qaraxa uu ahaa bam gacmeed lagu tuurey gaadiid ay wateen Ciidamo roondo ku jiray oo marayay nawaaxiga Iskuulka Cumar Samatar, oo ku dhaw xarunta maamulka gobolka.

Qaraxa kadib, Ciidanka ayaa rasaas afarta jiho u ridday, iyadoo wadada ay u xirnayd mudo daqiiqado ah, illaa dhaawacyada iyo askar dhintay goobta laga qaadayay, sida uu kusoo waramaya goobjoogaha.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa, balse wuxuu imaanayaa xili dhawaan Kooxda Al-Shabaab ku baaqdey in la dilo gudoomiyaha gobolka Mudug qeybta Puntland Cabdiladhiif Muuse Nuur (Sanyare) kadib markii uu sheegay in masaajidda aysan wax qiimo ugu fadhin, uuna xirayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.