Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax, oo kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Banaadir ayaa lala damacsanaa qaraxa, sida ay Saraakiisha amniga sheegeen.

Warar Keydmedia Online
Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Hal qof ayaa ku dhintay, labo kale way ku dhaawacmeen qaraxa Maanta duhurkii ka dhacay degmada Kaaraan, ee magaaladda Muqdisho.

Goobjooge ayaa u sheegay Keydmedia Online in qaraxa miino ujeedkiisu ahaa in lagu dilo Nabadoon caan ah oo lagu magacaabo Muxudiin Xasan Afrax, balse ka badbaadey. Waxaa ku dhinta mid kamid ah ilaaladiisa, labo kalena way ku dhawaacmeen.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Caasimadda, iyadoo wax yar kadib goobta ay tageen Ciidamada amniga, oo xiray jidka ku dhaw xarunta maamulka degmada Kaaraan, waxaana socda baaritaanno.

Nabadoonka qaraxa ka badbaadey, ayaa kamid ah dadka sida indha la'aanta u taageera Farmaajo, oo gunno ka qaata dowladda, si uu uga difaaco mowjadaha dhanka mucaaradka beelaha Hawiye uga soo furma.

Qaraxyada ayaa Muqdisho kusoo kordhaya mudooyinkii dambe xili doorashadda uu khilaaf ka taagan yahay, islamarkaana uu sii dhamaanayo mudo-xileedka Madaxweyne Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.