Fahfaahin: Qaraxyo ka dhacday Muqdisho

Todobaad kahor ayay ahayd markii labo qarax ka dhaceen Zoobe, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 121, iyadoo 333 ay ku dhaawacmeen.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Qaraxyo ka dhacday Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex qarax ayaa Caawa ka dhacay, kuwaasoo ay wehliyeen hoobiyeyaal ku dhacay Xaafado kala duwan, waxaana isasa soo taraya khasaaraha dhimashadda.

Qaraxa 1aad ayaa ka dhacay Xerada Jeneraal Dhega-Badan, oo ku yaalla degmada Wadajir, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Waxaa la sheegay in qof isku soo xiray walxo qarxa, uu beegsaday saldhigga, oo ah meel lagu tarabaro askarta qorata inay ku biiraan Militeriga Soomaaliya.

Waxaa xigay qaraxyo bambaanooyinka gacanta iyo hoobiyeyaal lagu weeraray saldhigyo boolis iyo baro-koonatarool, iyadoo lasoo sheegayo inay ka dhasheen khasaaro kala duwan.

Todobaad kahor ayay ahayd markii labo qarax ka dhaceen Zoobe, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 121, iyadoo 333 ay ku dhaawacmeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.