Fahfaahin: Qasaaraha Qaraxii Muqdisho oo kordhay

Qof isku soo xiray walxaha qarxa oo lugeynaya ayaa galay Maqaayadda xili aad loo buuxay, oo dadku sheeko iyo shaah ku jireen.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Qasaaraha Qaraxii Muqdisho oo kordhay

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax is-miidaamin ahaa oo Jimcihii ka dhacay nawaaxiga xarunta NISA ee Habar-Khadiija, oo ku yaalla meel ku dhaw Isgoyska Jubba [KM-0], ee magaaladda Muqdisho.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaasoo isagoo lugeynaya gudaha u gala Maqaayadda kadibna isku dhex-qarxiyay dad shacab u badan oo goobta Shaah iyo Sheeko ku jiray.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaana dhaawaca uu gaarayaa illaa 20, kuwaasoo la dhigay Isbitaallo kala duwan oo Caasimadda ku yaalla,si loo daweeyo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay qaraxa, iyadoo shaacisay inay ku beegsatay Saraakiil katirsan laamaha amaanka dowladda oo Maqaayadda ku jiray, waxayna ku goodisay inay sii wadi doonto weerarada noocan ah.

Kadib markii wadooyinka Ciidan la dhigay, oo baaritaan adag lagu billaabay gaadiidka raaxadda, waxay Al-Shabaab qaraxyadeeda Muqdisho u bedeshay kuwa ay fulinayaan dad socda, oo wadooyinka lugaynaya, kuwaasoo raadsada meelaha dadka isagu yimaadaan iyo goobaha dayacan ee dowladda.

Waa arin adag in laga hortago, maadaama qofka qaraxa wada aan laga soo dhex-saari karin dadka wadooyinka maraya, waxayna tani sii kordhinaysaa walaaca amni ee ka jira Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.