Fahfaahin: Qasaaraha Qaraxii Muqdisho oo kordhay

Ergo kasoo laabatay doorashadda ka dhacday xarunta Jen Kaahiya ayaa lala eegtay weerarka, oo Al-Shabaab ay sheegatay mas'uulidiisu.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Qasaaraha Qaraxii Muqdisho oo kordhay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa sii kordhaya qasaaraha Qarax Ismiidaamin ahaa, oo lala beegsaday Gaari Mini Bus ah oo ay ka buuxaan Ergooyin ka qeyb qaadanayay Doorashada Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Tirada dhimashada ayaa gaartey ugu yaraan lix qof, sida ay sheegeen Gaadiidka Gurmadka deg dega ah, halka Al Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay Muqdisho.

Qaraxa ayaa dhacay subaxnimadii hore ee Khamiista Maanta xilli gaariga ergada uu marayey isgoyska Ceel-Gaabta oo ah mid mashquul badan oo ku dhaw Madaxtooyadda Villa Somalia.

C/qaadir C/raxmaan, oo ah Agaasimaha Adeegga Aamin Ambulance, ee Muqdisho, ayaa sheegay in shaqaalahooda ay goobta ka qaadeen lix meyd ah iyo dhaawaca tirdo intaas ka badan.

Waxaan ku dhex jirnay baska oo marayay isgoyska, waxaan arkayay qof usoo ordaya dhanka baska iyo booliiska oo ku qaylinaya 'joojso' oo ku taagaya qoriga. Kadibna waxaan maqalnay laba xabbadood iyo qarax,” Saado Cabdillaahi, oo ka mid ah ergada ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda, ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, iyadoo qoraal ay soo saartey ku sheegtay in ay ku dileen lix ergo ah iyo shan askari oo booliis ah.

Doorashada xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabatay 1-dii bishii November, waxaana markii hore lagu waday in lasoo gaba gabeeyo 24-ka bishaas, balse hadda waxaa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo 25-ka bishan Febraayo, iyadoo laga yaabo in weerarada lagu qaado ergada caqabad kale ku noqon karto doorashada.

Marka loo eego hannaanka doorashada dadban ee Soomaaliya, Baarlamaanada Maamulada waxaa loogu talagalay in ay doortaan Aqalka Sare halka Ergooyinka Beelaha soo xulayaan Xildhibaanada Aqalka Hoose, kuwaasi oo si wadajir ah u dooranaya Madaxweyne cusub, iyadoo waqti aan weli la cayimin.

Khilaaf soo jiitamayay muddo bilo ah oo u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Farmaajo ayaa sabab u ah dib u dhaca doorashada Baarlamaanka.

Ilaa hadda 124 ka mid ah 275 Xildhibaan ayaa la doortay, sida lagu sheegay xogta guddiga doorashada. Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyo iyo weeraro toos ah ka fulisa magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.