Fahfaahin: Weeraro kala duwan oo ka dhacay Muqdisho

Ciidamada dowladda ayaa sameeyay howlgal kadib weerarka iyo dagaalkii ka dambeeyay ee xalay ka dhacay Laanta Barwaaqo ee degmada Wardhigleey.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Weeraro kala duwan oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal mudo kooban socday ayaa Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab wuxuu ku dhexmaray xalay fiidkii degmada Wardhigleey, oo katirsan magaaaladda Muqdisho.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in dabley hubeysan oo watay gaari NOAH ah ay bambooyin ku tuureen fariisin Ciidanka booliska ku leeyihiin Laanta Barwaaqo kaidbna uu halkaasi ka dhacay iska hor-imaadka.

Kooxda hubeysan ayaa goobta uga carartay Gaariga, waxaana markii dambe Ciidanka DF helaan gurmad u sahlay inay iska caabiyaan weerarka qorsheysan, ee Al-Shabaab ku doonaysay inay ku khalkhal geliso amniga.

Sidoo kale, waxaa xalay ka dhacay Caasimadda weeraro kale oo dilal ay kamid yihiin, kuwaasoo lagu beegsaday dad u shaqeeya dowladda iyo oqaar kamid ah Ciidamada amaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.