Fahfaahin: Xildhibaanno ku dhintay Qaraxa Beledweyne

Maqaaxida ayaa ku dhaw xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, halkaasoo la sheegay in uu ka socday shir muhiim ah, oo madax sare ka qeybgalayeen.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Xildhibaanno ku dhintay Qaraxa Beledweyne

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Fahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Is-miidaamin ahaa, oo saakay ka dhacay gudaha magaaladda Beledweyne, ee xarunta G/Hiiraan.

Saraakiisha booliska, ayaa sheegay in qof isku soo xiray walxo qarxa oo isku qarxiyay Maqaaxidda Xasan Dhiif, oo ah mid mashquul ah, oo shacab iyo madax ay inta badan tagaan.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad 15 qof ay ku dhimatay, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo dadka geeriyoodey ay kamid yihiin Xildhibaanno kamid ah HirShabeelle State.

Maqaaxida ayaa ku dhaw xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, halkaasoo la sheegay in uu ka socday shir muhiim ah, oo madax sare ka qeybgalayeen, kaasoo looga hadlayay amniga.

Ku xigeenka duqa Beledweyne dhanka arrimaha bulshadda inuu kamid yahay dadka qaraxa lagu dilay, waxaana lagu soo beegay weerarka xili Fahad Yaasiin uu kusii jeedo magaaladda.

Beledweyne ayaa isku diyaarinaysay doorashadda 25 kursi oo kamid ah Gollaha Shacabka, oo midkooda HOP86 uu Fahad Yaasiin rabo inuu ku fariisto, isagoo bedelaya Faarax C/qaadir.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.