Falcelinta Midowga Afrika ee weerarkii Ceel-Baraf

Weerarkii shalay ee Ceel-Baraf, ayaa la sheegay inuu lamid yahay kii Ceel-Cadde, Gedo oo askar badan oo Kenyan ah lagu dilay Jan 2016.

Warar Keydmedia Online
Falcelinta Midowga Afrika ee weerarkii Ceel-Baraf

ADDIS ABABA, Itoobiya - Guddoomiyaha Guddiga, Moussa Faki Mahamat, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadey Shalay Subax Saldhig Ciidamada Burudndi ay ku leeyihiin degaanka Ceel-Baraf, ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyuhu wuxuu ka tacsiyadeeyay Ciidamada nabad ilaalinta Burundi ee naftooda ku waayay weerarka, isagoo Caafimaad degdeg ah u rajeeyay askartii kale ee ku dhaawacmay.

Qoraal kasoo baxay AU-da ayaa lagu sheegay in weerarka uusan hoos u dhigi doonin go'aannada Ciidamada ATMIS ee xasilinta Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in Midowga Afrika ay si joogto ah uga go'an tahay inay taageeraan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si ay u gaaraan nabad iyo ammaan waara.

Wuxuu ugu baaqayaa Beesha Caalamka inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan hay’adaha amniga Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS, si looga gudbo caqabadaha amni ee ka jira dalka.

Wali lama oga inta uu la egyahay Khasaaraha weerarka Ceel-Baraf, balse Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ku dishay 173 askari, iyadoo sidoo kale la wareegtay saldhigga, oo dadka degaanka u fasaxday inay galaan, oo ay ka qaataan alaabaha iyo agabka dhex-yaalla.

Weerarkii shalay ee Ceel-Baraf, oo 160KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho, ayaa la sheegay inuu lamid yahay kii Ceel-Cadde, Gedo oo askar badan oo Kenyan ah lagu dilay Jan 2016.

Al-Shabaab ayaa inta badan beegsata saldhigyada Ciidanka dowladda iyo kuwa Ajnabiga, waxayna kooxda ay sanadkan kordhisay howlgalladeeda, iyadoo damacsan inay doorashadda carqaladeyso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.