Farmaajo iyo Rooble raali-gelin haka bixiyaan Gabdhihii la rasaaseeyay

Qoraal ay Musharixiinta soo saareen Maanta ayay ku sheegeen inaan laga aqbali doonin Farmaajo inuu Ciidanka qaranka ku caburiyo shacabka.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo iyo Rooble raali-gelin haka bixiyaan Gabdhihii la rasaaseeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharixiinta Mucaaradka ayaa cambaareeyay falkii arxan-darrada ee askari katirsan NISA kula kacay shalay Gabdho iyo wiilal si nabad ah ku banaanbaxayay magaaladda Muqdisho, oo rasaas lagu furay.

War qoraal ah oo Musharixiinta soo saarey ayaa lagus sheegay in falka uu ku kacay Askari yahay mid ka tarjumaya hadalladii horey ee Farmaajo iyo Madax kale oo ugu dambeeyay Cumar Filish oo dhawaan sheegay in la dilayo qofkii banaanbax ka sameeya Muqdisho.

Waxay Musharixiinta ugu baaqeen Farmaajo iyo Rooble inay raali-gelin ka bixiyaan dhacdadii shalay, islamarkaana cadaallada la horkeeno askariga dharka-cad ee bastooladda ku riday gabdhaha, oo noloshooda khatar uu geliyay.

"Farmaajo iyo Rooble waa inay soo saaraan raali-gelin deg deg ah oo ku aadan falka arxan-darradda ah ee askariga NISA u geystay gabdhaha banaanbaxa dhigayay, islamarkaana si deg deg ah Maxkamad lagu soo taago," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhaqanka xun ee askarta dowladda waa kuwa aad loo cambaareeyay, waxayna bixinaysaa caddeyn ah inuusan jirin isla-xisaabtan iyo dhowrista xaquuqda muwaaidniinta Soomaaliya, oo maalin walba dowladda ku xad-gudubto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.