Farmaajo oo bansiin ku shubay xiisadii ka jirtay Hiiraan

Saddex diyaaradood oo sida Ciidan lagu qiyaasay illaa 400-1,000 askari ayaa shalay Muqdisho ka duulay, iyagoo ka degay Garoonka Beledweyne.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo bansiin ku shubay xiisadii ka jirtay Hiiraan

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa Ciidamo kuwa Turkiga uu tababarey ee Gogor iyo Haramcad shalay u diray Beledweyne, iyadoo uusan ka warheyn Ra'iisul Wasaare Rooble.

Saddex diyaaradood oo sida illaa 400-1,000 askari ayaa Muqdisho ka duulay, iyagoo ka degay Garoonka Ugaas Khaliif ee magaaladda Beledweyne, ee xarunta Gobolka Hiiraan Subixii.

Tallaabadan ayaa loo arkay mid caqabad ku ah fursadaha wada-hadalka nabada loogu raadinayay xiisada ka jirta Beledweyne, taasoo u dhaxeeya maamulka HirShabeelle iyo Shacabka.

Ciidanka Beledweyne loo daabulay haddii Al Shabaab lala diriraayo suuqa bakaaro ayaa maanta shabaab u xanibnaa. CID walba waa ogtahay in loo dabbulay in doorashada lagu boobo, waxaase ka dhalan colaad hor leh," ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

Ujeedka Farmaajo ka leeyahay in askar Diyaarado ugu daad-gureeyo magaalada Beledweyne xiligaan xasaasiga ah ayaa ah mid si cad u jabineysa dhamaan heshiisyadii lagu gaaray Shirkii Gollaha Wadatashiga Qaran ee ku saabsanaa doorashada, waxaana ay tahay daandaansi dadka reer Hiiraan, oo tallaabadan ku qasbaysa in ay hubka qaataan.

Waare ayaa sheegay in Ciidan la geeyo Hiiraan isagoo la socon ay dharbaaxo ku tahay Rooble, oo mas'uul ka ah doorashadda iyo amniga, waxaana loogu baaqey inuu tallaabo qaado.

Sida Keydmedia shalay soo qortay [Halkan ka akhri], Farmaajo ayaa damacsan inuu boobo 25 kursi oo kamid ah Gollaha Shacabka, oo yaalla Beledweyne, kuwaasoo mid kamid ah uu rabo inuu ku fariisto saaxiibkiis Fahad Yaasiin.

Waxay taliyeyaasha afarta Ciidan ee dalka uu leeyahay [Militeriga, Booliska, Sirdoonka iyo Asluubta], waxay gacanta ugu jiraan Farmaajo, waxayna dhegaha ka fureysteen baaqyada Beesha Caalamka iyo Mushariixinta mucaaradka ee ah inay siyaasadda faraha kala baxaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.