Farmaajo oo caqabad ku ah dagaalka Al-Shabaab

Ilaha aan xogtaan ka helnay waxa ay noo xaqiijiyeen in Farmaajo uu xiriir la sameeyay saraakiil ciidan, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan kuwaasoo uu kala hadlay sidii looga baaqsan lahaa dagaalka ka socda Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo caqabad ku ah dagaalka Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo ku sugan dalka Turkiga ayaa billaabay dadaallo ay ku doonayaan in ay ku fashiliyaan dagaallada Dowladdu kula jirto Al-Shabaab.

Xogo lagu kalsoonaan karo oo ay Keydmedia Online ka heshay ilo loo qaateen ah ayaa muujinaya in Farmaajo iyo Fahad Yaasiin todobaadyadii la soo dhaafay wadeen sidii meesha looga saari laha gulufka xooggan iyo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Farmaajo oo shantii sano ee uu xafiiska joogay aan wax dagaal ah ku qaadin Al-Shabaab ayaa guuldarro kale oo siyaasadeed oo isaga soo gaartay u arka dagaallada hadda socda ee uu iclaamiyay Madaxwene Xasan Sheekh wuxuuna isku dayayaa inuu fashiliyo.

Ilaha aan xogtaan ka helnay waxa ay noo xaqiijiyeen in Farmaajo uu xiriir la sameeyay saraakiil ciidan, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan kuwaasoo uu kala hadlay sidii looga baaqsan lahaa dagaalka ka socda Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.

Sidoo kale Fahad Yaasiin oo ay hore u tababareen mukhaabaraadka Qatar, wuxuu faafiyay xogo aan raad iyo sal toona lahayn, wuxuuna saraakiisha ciidanka ka dhex abuuray kala shaki isagoo suuqa soo galiyay war sheegaya in saraakiisha dhexdooda is mashimayaan.

Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Waxbarashada ahna Xildhibaan hore Cabdullaahi Goodax Barre ayaa saacado ka hore xaqiijiyay in Farmaajo ku howllan yahay fashilinta dagaalka Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay hay’adaha amniga in ay baaritaan ku sameeyaan.

“Inta aan ka aqaan Farmaajo, marnaba raalli kama ahayn la dagaallanka Al-Shabaab taa waxaa u dheereyd isir nacaybka gobollada iyo beelaha qaar uu ku bartilmaameed-sanaayay muddadii uu xilka hayay”. Ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdullaahi Goodax Barre.

“Waa ayaandarro iyo nasiib xumo weyn in isagoo Ankara jooga uu ku hawlanyahay fashilinta la dagaallanka Al-Shabaab, Hay’adaha amniga waxaa ku waajibay in ay baaraan wadashaqaynta Al-Shabaab iyo Madaxweynihii hore, ayuu ku sii daray hadalkiisa.

Goodax Barre wuxuu intaas sii raaciyay, “Waxaan ku boorinayaa qof kasta oo uu soo waco Madaxweynihii hore in laga duubo codka si bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga loola wadaago dhagartiisa iyo jaa’ifada uu dalka iyo dadkaba ku haayo”.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.