Farmaajo oo dagaal sokeeye u diyaar garoobay

Tan iyo dhamaadkii sanadkii hore, waalidiinta ay caruurtu kaga maqan tahay Eritrea, ayaa ka walaacsanaa dhallaankooda, hayeeshee, waxaa mar kale u billowday walal hor leh oo ku saabsan in Farmaajo dhallinyarada u adeegsado dagaal sokeeye.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo dagaal sokeeye u diyaar garoobay

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida laga soo xigtay ilo sirdoon, todobaadyada soo socda ayaa la filayaa in caasimadda Soomaaliya soo gaaraan qeyb ka mid ah dhallinyaro Soomaaliyeed oo in muddo ah ku xayirnaa dhulka buuraleyda ah ee galbeedka Eritrea.

Xog ay heshay Keydmedia Online, ayaa caddeyneysa in safarradii Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta, Rooble iyo Farmaajo ku tageen dalka Qatar dhawaan, ay fududeeyeen in dalka dib loogu soo celiyo dhallinyaradan oo muddo saddex sano ah la raadinayay raq iyo tux.

Dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore ayuu soo ifbaxay war ah in dhalinyaro Soomaaliyeed oo Dowladdu tababar ugu qaaday dalka Eritrea loo daabulay gudaha Itoobiya si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Urur-ka TPLF.

Bishii May ee sanadkaan, ayuu soo baxay war kale oo sheegay in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, diiday in la soo qaado ciidamo laga soo celiyay dagaalka waqooyiga Itoobiya, sababo la xariira bixinta lacagihii ku baxay dhalinyarada intii uu tababarku socday, lacagtaas waxaa hore u balan qaaday dowladda Qatar.

Hadda, qeyb ka mid ah ciidankaan ayaa ku soo wajahan dalka, waxaana durba la sii ogaaday magaalooyinka la dajin doono, iyo shaqooyinka ugu horreeya ee ay qaban doonaan soo laabashadooda kadib.

Farmaajo, ayaa doonaya inuu askartaan ku qabsado magaalooyinka Bu’aale, Muqdisho iyo Garawe, wuxuuna dagaal iyo colaado sokeeye ka abuuri doonaa Muqdisho, isagoo beegsan doonaa xubno mucaarad ah oo hadda Muqdisho ku sugan.

Wuxuu ku duuli doonaa Puntland iyo Jubbaland, wuxuuna mishin ku dili doonaa saraakiil ciidan oo intoda badan hadda ku sugan yihiin Shabeellooyinka, sida ay KON ka soo xigatay mid ka mid xubnaha mucaaradka.

Sida uu xusay, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, dhaalinyaradaan ayuu Farmaajo u qorsheeyay in ay dagaal sokeeye galan, xukunkana ku sii hayaan iyadoo la dajinayo Gaalkacyo, Baydhabo iyo Muqdisho.

“Dhowr kun ayaa dhowaan la soo wadaa, si dagaal ahli loo geliyo oo dalka xoog loogu qabsado. Qorshuhu waa in Baydhabo, Muqdisho iyo Gaalkacyo laga dejiyo, si Bu’aale, Muqdisho iyo Garawe loogu qabsado. Soomaaliyey Farmaajo nin xukun nabad iyo doorasho ku dhiibaya maaha, ee waa in aan iska qabannaa inta uusan fidno weyn iyo dagaal sokeeye lugaha inoo gelin”. Ayuu yiri Warsame.

Dhallinyaradaan oo la siray markii la qaadayay loona sheegay in la geynayo dalka Qatar, si ay u ilaaliyaan Koobka Adduunka, ayuu uga digay in ay qeyb ka noqdaan dagaallo sokeeye, halka uu waalidiinta muddada dhibanaa ugu baaqay in aan mar kale la dagin.

Wareysi uu bishii August 2021 bixiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali, oo xilligaas ahaa la-taliyaha amniga Farmaajo, ayuu ku sheegay in 5,000 (Shan Kun), oo dhalinyaro ah ay Villa Somalia u dirtay Eritrea, dad kale, oo qubruro ku ah, dhanka ciidnka waxa ay tirada gaarsiiyeen 7000 (Todobo kun), halka xubno sarsare oo Mucaaradka ka tirsan ay intaas ka sii badiyeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.