Farmaajo oo dib usoo celiyay dagaalka RW Rooble

Waxuu labada hogaamiye dagaalkooda salka ku hayaa loolan dhanka awoodda iyo talada dalka, iyadoo Rooble uu doonayo inuu ka takhaluso Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo dib usoo celiyay dagaalka RW Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo oo mudo xileedkiisu dhamaadey Feb 2021 ayaa muujinaya inuu weli yahay Madaxweyne sharci ah, isagoo dagaal siyaasadeed ku wada RW Rooble.

Wuxuu Maanta Xafiiskiisa isagu yeeray taliyeyaasha Ciidanaka, sida Booliska, Militeriga, NISA iyo mas'uuliyiinta sare ee maamulka Gobolka Banaadir, oo kala hadlay arrimaha amniga dalka.

Kulanka ayaa yimid kadib markii Rooble uu farey hay'adaha amniga inay baaritaan dhab ah ku sameeyeen dilkii Xildhibaanada Aamin Maxamed Cabdi, oo lugaha la galay Fahad iyo Farmaajo.

Xili kasta oo Kiis xasaasi ah dhaco, oo Villa Somalia lagu eedeeyo, Farmaajo ayaa ku orda hay'adaha amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada oo isaga hoos yimaadaan, isagoo ka ilaalinaya inuu Rooble gacanta ku dhigo.

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegay inuu ku amray taliyeyaasha Ciidan kala duwan inay adkeeyaan amniga dalka, gaar ahaan Muqdisho, oo laga cabsi qabo weerarada Al-Shabaab xiliga Ramadan-ka.

Xildhibaanada Aamin Maxamed waxay ahayd qof firfircoon, oo Cadaalada Ikraan Tahliil u doodi jirtay, islamarkaana laf-dhuun-gashay ku noqotay Fahad Yaasiin, oo dilka Gabadha lagu eedeeyay.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si toos ah ugu eedeeyay Villa Somalia inay ka dambeyso dilka Gabadha, isagoo xusay in ay ahayd bartilmaameed tan iyo markii ay bilowday ololaha Cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil.

Qaali Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan ayaa sheegtay in qof kasta oo ka hadlay Kiiska dilka Gabadheeda ay Villa Somalia ugaarsanayso, waxayna quus iyo rajo xumo ka muujisay inay Cadaalad hesho, maadaama kuwii xukunka haystay inay dilka ka dambeeyaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.