Farmaajo oo ka hor yimid xil ka qaadista Fahad Yaasiin

Go’aanka uu kaga hor yimid tallaabada Ra’iisul Wasaaaraha dalka, ayaa si buuxda ula micno ah in Farmaajo uu waddo kasto u marayo, si kiiska Ikraan oo salfaaday Fahad uusan caddaalad u helin, isla-markaana loo badbaadiyo Fahad Yaasiin.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo ka hor yimid xil ka qaadista Fahad Yaasiin

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii muddadu ka dhamaatay ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ka hor yimid go’aanka uu Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble, xilkii agaasimaha hay’adda NISA, uga xayuubiyay Fahad Yaasiin, oo ay dul-hoganayaan fadeexado waaweyn.

“Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay xaafiiska Farmaajo.

Wuxuu faray, Fahad Yaasiin, in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, isla-markaana uu Golaha Amniga Qaranka hor keeno (Warbixin laga sugayay).

Tallaabada Farmaajo, ayaa ah mid la filayay, waxayna bannaanka keeneysaa, habdhaqankiisii guracnaa ee afartii sano ee la soo dhaafay iyo saameynta uu maamulkiisii fashilmay ku lagaa Fahad Yaasiin.

Go’aanka uu kaga hor yimid tallaabada Ra’iisul Wasaaaraha dalka, ayaa si buuxda ula micno ah in Farmaajo uu waddo kasto u marayo, si kiiska Ikraan oo salfaaday Fahad uusan caddaalad u helin, isla-markaana loo badbaadiyo Fahad Yaasiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.