Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirka Midowga Africa

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay Meertada 13-aad ee aan caadiga ahayn ee Shirka Midowga Afrika, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda. 

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirka Midowga Africa

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkaan oo ahaa oo mid ka dhacay Zoom ayaa waxaa lagu soo bandhigay fursadda Soomaaliya ee hoggaaminta ganacsiga ito waxsoosaarka Africa, sida lagu sheegay qoraalka ay soo saartay dowladda Federaalka. 

“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka qalinka ku duugay hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, waxaa ka go’an in ay ka faa’iideysato hal-abuurka ganacsi ee ay ku tilmaaman yihiin dadkeenna Soomaaliyeed oo ay wehliso booska istiraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu” ayuu yiri Farmaajo.

“Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika waxa uu noqon doonaa fursadda ugu weyn ganacsiga xorta ah ee adduunka, iyadoo la heli doono suuq ka kooban 1.3 bilyan oo qof iyo fursado dhaqaale oo faa’iido leh” ayuu yiri.

Sida lagu yaqaano dowladda Federaalka, wax faah-faahin kama aysan bixin nuxurka shirkaan iyo qodobadda lagu heshiiyay. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.