Farmaajo oo la kulmay Guddiga Xakameynta Cudurka COVID-19

Madaxweynaha waqtigu ka idlaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Bulshada Rayidka.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo la kulmay Guddiga Xakameynta Cudurka COVID-19

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Caafimaadka Xukumadda xil-gaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ayuu ka dhageystay warbixin ku saabsan saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee soo laba kaclaynta cudurkan safmarka ah.

“Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka dowladdu ay kaga hortageyso faafidda cudurkan, sidaas darteed waxa waajib ah in aan u istaagno wacyigelinta bulshada, una hoggaansanno farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha lagaga hortageyo.” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa dhiirrigeliyey qorsheyaasha Caafimaad, dhaqaale iyo amni ee ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee Xakameynta COVID-19, waxa uuna ganacsatada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay dadkooda u turaan wakhtigan adag.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.