Farmaajo oo lagu yiri: Baqdin iskulama joogno, waxaan iskula joognaa Sharci

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Soomaaliya ahna Madaxweynihi hore ee dalka Sheekh Shariif oo Shir Jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladdii ugu dambeysay ee dalka.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo lagu yiri: Baqdin iskulama joogno, waxaan iskula joognaa Sharci

MUQDISHO, Soomaaliya - Sheekh Shariif, oo hogaaminaya Midowga Musharixiinta ayaa Maanta si kulul uga hadlay xadgudunkii shalay Askar dharcad ah oo NISA katirsan kula kacay dad banaanbax ka dhan ah dowladda Farmaajo ka dhigayay Muqdisho.

Wuxuu ku baaqey Sheekh Shariif in cadaaladda la horkeeno Askariga, islamarkaana xabsiga laga sii daayay dadka sida sharci darrada ah dowladda u xirtay maalmihii lasoo dhaafay oo Muqdisho ka dhacayeen kacdoon shacab iyo banaanbaxyo lagu diidan yahay Farmaajo.

"Baqdin iskulama joogno, waxaan iskula joognaa Sharci," ayuu yiri Sheekh Shariif, isagoo intaasi ku daray in Musharixiinta aamusnaantooda ahayd daciifnimo, balse ay ilaalinayaan sharciga iyo dowladnimada dalka, oo Farmaajo ku tumanayo.

Waxay ku baaqeen Musharixiinta in la qabto doorasho nabdoon, oo xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay dowladda joojiso caburinta shacabka fekerkooda dhiibanaya, ee hubka loo adeegsanayo.

 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.