Farmaajo oo Mursal fariin ugu dhiibay Mucaaradka

Kulanka waxaa dalabaday Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo la kulmay madaxda Madasha Xisbiyada Qaran, isagoo u gudbiyay fariin uu usoo dhiibay Farmaajo.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Xarunta Madasha Xisbiyada waxaa ka dhacay maanta kukan gaar ah oo ay isagu yimaadeen gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Madaxweyniyeyaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Waxay ka hadleen xaalada dalka uu marayo, muranka doorashooyinka ka taagan iyo qodobo kale oo ku qotoma khilaafka siyaasadeed ee Farmaajo kala dhaxeeyay Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada dalka, oo xal loo waayay.

Warar hoose oo Keydmedia Online ay heshay ayaa sheegay in gudoomiye Mursal uu Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif u gudbiyay fariin uu ugu soo dhiibay Madaxweyne Farmaajo, taasi oo aan la ogeyn waxa ay xambaarsan tahay. Madaxdii hore ayaa Farmaajo ku dhaliilay inuu ka gaabiyay la shaqeynya saamileyda siyaasadda dalka.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaranka iyo Guddoonka Golaha Shacabka u kulmaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.