Farmaajo oo noqday qofkii 2-aad ee la tallaalo

Madaxweyne Farmaajo ayaa noqday qofkii labaad ee laga tallaalo Caabuqa Covid-19 oo maanta laga daah-furay Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo noqday qofkii 2-aad ee la tallaalo

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka Villa Somalia, waxaa la tallaalay qofkii labaad oo cirbadda kahor-tagga Caabuqa Covid-19 lagu dhuftay uu noqday Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Dr.Fowsiya Abiikar ayaa noqotay qofkii koowaad ee si rasmi ah u qaata tallaalka  ka hor-tagga Caabuqa Covid-19 Soomaaliya.

Wasiir Fowsiya ayaa maanta si rasmi ah iyadoo ku sugan xarunta lagu daah-furayay tallaalka cirib-tirka Caabuqa Covid-19 ee Isbitaal Martiini waxay qaadatay cirbaddii ugu horreysay, iyadoo ay jiraan waddamada qaar ee Afrika oo si rasmi ah loo soo gaarsiiyay tallaalka, ayna billaabeen madaxda waddamadaasi in iyaga lagu daah-furo tallaalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.