Farmaajo oo qirtay arrin uu muddo qarinayay!

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu saddexdii sano ee la soo dhaafay, indhaha iyo dhagaha ka dabooshay, waalidiinta dhalay dhallinyarada uu askareeyay, kuwaas oo lagu qaaday in la geynayo dalka Qatar, ka hor inta aan lagu daadin dalka Eritrea.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo qirtay arrin uu muddo qarinayay!

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay, dhallinyaro in muddo ah ku maqan dalka Eritrea.

Farmaajo oo tan iyo markii uu soo if-baxay warka la xariira in askar tababar loogu qaaday Eritrea, aan maalin qura ka hadlin, ayaa qirtay in dhallinyarada sanadaha maqan la geeyay Eritrea, tiradooduna tahay 5000 oo askari, kuwaas oo tababarkoodu dhamaystay.

Farmaajo ayaa sheegay inuu Madaxweynaha 10-aad, Xasan Sheekh, ku wareejiyey galka iyo Dokumentiga ciidamada, isagoo sababaha aan loo soo cilin ku sheegay, cabsi laga qabay in ay saameyn ku yeeshaan doorashada Guddoonnada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Dhanka kale, Madaxweynaha xilka la wareegay Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballan qaaday in uu soo celin doona dhallinyarada maqan, kuwaasoo uu hore u tilmaamay in laga dagaal galiyay gobolka Tigray, isagoo xiganaya ilo wareedyo caalami ah.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu saddexdii sano ee la soo dhaafay, indhaha iyo dhagaha ka dabooshay, waalidiinta dhalay dhallinyarada uu askareeyay, kuwaas oo lagu qaaday in la geynayo dalka Qatar, ka hor inta aan lagu daadin dalka Eritrea.

Sida ay KEYDMEDIA ONLINE, u sheegeen ilo sirdoon, mid ka mid sababaha faraha badan ee dhallinyarada loo soo celin waayay ayaa ah, in laga cabsaday in ay Farmaajo ka hor istaagaan doorashada, maadaama ay kooxdiisu jarriimooyin xooggan u geysteen askarta.

Ilo kale, waxa ay sheegayaan in Dowladda Qatar ka baxday ballan qaad ay hore u sameysay, kaasoo ahaa in ay bixin doonto lacagaha lagu tababaro askarta, taasina ay sababtay in Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, madax furasho malaayiin dollar u heysto askarta.

Warar kale, waxa ay tibaaxayaan in qaar ka mid ah askarta laga qeyb galiyay dagaalkii sokeeye ee Waqooyiga Itoobiya, kaasoo u dhaxeeyay Xukuumadda Abiy Axmed iyo TPLF, isla-markaana uu Farmaajo ka cabsaday in soo celintoodu caqabad ku noqoto.

 KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.