Farmaajo oo u hambalyeeyay Geelle

Geelle ayaa kamid ah Madaxda waqtiga dheer kursiga ku fadhisa Geeska Africa, 21 sano ayaa Jabuuti Madaxweyne ka yahay.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa hambalyo u diray Ismaaciil Cumar Geelle kadib guushii uu ka gaarey doorashadda dalka Jabuuti, taasoo uusan la kulmin tartan adag.

"Waa guul xoojinaysa horumarka iyo xasilloonida gobolka. Waxaan ku kalsoonahay in aad dardargelin doonto horumarka iyo wax wada qabsiga dalalka gobolka," ayuu yiri Farmaajo.

Geelle ayaa mar 5aad hogaamin doono Jabuuti, isagoo kursiga ku fadhiyay tan iyo 1999, wuxuuna kamid noqday Madaxda ugu mudada dheer Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.