Farmaajo oo wali ku cayaaraya garashada shacabka

Guddigu, waa inuu Farmaajo, ku dacweeyo lunsashada xoolaha dadweynaha bannaankana keeno sababta Xukuumadaha Farmaajo u qariyeen soo bandhigidda xisaab xirka waajibka ah.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo wali ku cayaaraya garashada shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda Farmaajo ayaa shanadkii shanaad oo xiriir ah jileysa riwaad ay ugu magac dareen la dagaallanka musuq-maasuqa, si boobka ay ku hayaan xoolaha dadweynaha uga jeediyaan indhaha bulshada.

Waxaa maanta magaalada Muqdiho lagu qabtay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa, taas oo ujeedkeeda lagu sheegay in bulshada laga wacyi galinayo musuqa iyo wax is-daba-marinta.

Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa, oo 07/09/2020, ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada, lana dhaariyay Apr 25, 2021, ayaa munaasabaddaan soo qaban qaabiyay, hayeeshee, ma jirto, wax ay ka qabteen musuqa baahsan ee dalka ka jira, tan iyo markii la dhisay.

Farmaajo oo guddigaan dhisay, ayaa wali laga sugayaa xisaab xirka miisaaniyado ka badan $1 billion oo dollar, kuwaas oo kala ah; xisaab celinta sanadkii 2018, 2019, 2020, halka ay jeebkiisa ku maqan tahay 33 million iyo 700 kun dollar, oo laga waayay xisaabtii 2017.

$275 million, oo ahayd miisaanayaddii baarlamaanku ansixiyay 2018, $344 million, oo la meel mariyay 2019, $459.5 million, oo la ansixiyay 2020 iyo $671.8 million oo ah miisanaadinadda 2021, ayaa ku maqan maamulka Farmaajo, waana lacag ka badan $1.7 billion oo doollar.

Inta ugu badan lacagtaas, waxaa canshuur ahan looga qaaday shacabka Muqdisho, kuwaas oo aan haba-yaraadee adeeg doowlo helin, sida waxbarasho, caafimaad, biyo, koronto amni iyo wixii la mid ah.

Ma jirto mashaariic hor marineed oo miisiinidaha kala horreyay ku cad oo loo qorsheeyay in shacabka Muqdisho dib loogu celsho, isla-markaana ma jirto xisaab xir uu Farmaajo ku caddeeyay waxa loo adeegsaday canshuurtooda Muqdisho.

Ma jiraan shaqaale rasmi ah oo nidaamka Farmaajo qaatay tan iyo markii uu xaafiiska yimid ku dhawaad shan sano ka hor, waxaana shaqaalo rasmi ah oo Dowladda Federaalka Muqdisho ka qaadato ugu danbeysay xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa, uma baahnaa in ay u dabaal degaan munaasabad caalami oo musaqa ka dhan ah, iyadoo Transparency International, ay labo caano-maal ka hor soo saartay warbixin muujineysa in Dowladda Soomaaliya ugu musuq badan tahay caalamka madaxdeeduna ugu tuugsan yihiin adduunka.

Guddigu, waa inuu Farmaajo, ku dacweeyo lunsashada xoolaha dadweynaha bannaankana keeno sababta Xukuumadaha Farmaajo u qariyeen soo bandhigidda xisaab xirka waajibka ah.

Waxaa goobta ku sugnaa kana hadlay wakiil ka socday Wasaaradda Caddaaladda JFS, oo la fahansan yahy, in Wasiirka ugu sarreeya wasaaraddiisa uu lacag xooggan ku qaatay khaarjinta, CC Warsame, dhamaadkii 2017.

Guddigu baaritaan haku furo Cabdulqaadir Maxamed Nuur, bannaanka ha keeno lacagta uu 17 December 2017, ku qaatay dilka hoggaamiyaha Wadajir.

Sidoo kale, waxaa madasha ku sugnaa wakiillo ka socda garsoorka dalka, inkstoo Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Maxamed Xasan Baari, uu qiray musuq-maasuqa Kooxda Farmaajo, haddana qudhooda ayaa barista guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa u baahan oo dhaqaalo ku qaata xukunno aan xalaal ahayn.

KEYDMEDIA ONLIE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.