Farmaajo oo weeraray Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka

Ilaalada Dhabancad, ayaa ku guuleystay in ay fashiliyaan isku daygaas, waxayna hub ka dhigis ku sameeyeen, xabsigana u taxaabeen askarta weerarka soo qaaday, oo la rumeysan yahay in uu soo diray Madaxweynihii hore Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo weeraray Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka

MUQQDIAHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha ku meel gaarka ah, ee Golaha Shacaba, Xildhibaaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad), oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay weerar ku soo qaadeen ciidan dhar-cad, si ay u hor istaagaan dhaarinta Xildhibaannada laga soo doortay Ceel-waaq iyo doorashada Guddoonka Golayaasha Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Xildhibaan Dhabancad, wuxuu sheegay, in Taliyaha Ciidanka Booliska, Xijaar, uu hor istaagay in Xildhibaannada lagu soo doortay Ceel-waaq, lagu dhaariyo Teendhada Afisyooni, amarna dul-dhigay, Huteellada Caasimadda, si aysan uga dhicin dhaarinta.

Sida ay caddeynayaan xoga ay heshay Keydmedia Online, askarta weerarka ku qaatay Guddoomiye Dhabancad, waxaa hoggaaminayay, Taliyaha NISA ee garoonka Aadan Cadde, ujeedkooduna wuxuu ahaa in ay khaarijiyaan Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka.

Hayeeshee, ilaalada Dhabancad, ayaa ku guuleystay in ay fashiliyaan isku daygaas, waxayna hub ka dhigis ku sameeyeen, xabsigana u taxaabeen askarta weerarka soo qaaday, oo la rumeysan yahay in uu soo diray Madaxweynihii hore Farmaajo, kaasoo shantii sano ee xaafiiska joogay waday falkinta fowdo siyaasadeed.

Dhamaan Xildhibaannada laga soo doortay Ceel-waaq ayaa la dhaariyay caawa, waxaana qeyb ka mid ah waddooyinka Muqdiaho lagu arkay, kooxo kale oo shahaadooyin aan la aqoonsaneyn wata, kuwaas oo sheegay in ay yihiin Xildhibaanno ka soo baxay Garbahaarrey.

Inta badan waddooyinka gala Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa xiran, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka xerada Xalane, halka hadda ciidankii ugu badnaa lagu arkayo, aagga lambar afar, gaar ahaan waddada aadda dhaka gaaroonka, ma cadda u jeedka ciidankaaas.

Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare, ee Baarlamaanka 11-aad ayaa loo madlan yahay in ay berri ka qabsoonto Teendhada Afisyooni ee xerada Xalane, halka Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka loo ballansan yahay Arbacada, 27-ka April 2022.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.