Farmaajo oo aamini la’ Beeshiisa, Xilalkiina kala baddalay

Madaxweyne Farmaajo ayaa dadkii kale oo dhan iska fogeeyay markii hore, soona dhaweystay taliye -yaal ay isku reer yihiin, isagoo markana aamini la' iyagii oo marba mid meel u magacaabaya.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo aamini la’ Beeshiisa, Xilalkiina kala baddalay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareegto kasoo baxday xafiiska Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya S/Guuto Odowaa Yuusuf ayaa xilalkii loo kala baddalay Saraakiil markii horeba reer ahaan loogu xulay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee muran siyaasadeedka ku jira.

Sarreeye Guuto Maxamed Cadow Cali ayaa laga baddalay xilkii hore ee uu hayay ee ahaa Taliyaha Guutada 10 -aad QB 43aad Ciidanka dhulka XDS, waxaana loo baddalay ururka 38aad ee Ciidamda Xoogga Dalka Soomaaliya.

Gaashaanle Sare Cabdirashiid Cabdullaahi Shire oo horay uga tirsanaa ayaa loo magacaabay Taliyaha Guutada 10aad Qeybta 43aad Ciidanka dhulka XDS.

Farmaajo ayaa maalinba nin hor leh u magacaabaya taliska Ciidamada ku sugan Gedo. taasina waxay caddeyn u tahay in Madaxweynaha uu la'yahay ciddii uu ku aamini lahaa maamulka gobolka oo isaga iyo Axmed Madoobe isku hayaan 16-ka kursi ee yaalla Garbahaarey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.