Farmaajo wuxuu damacsan yahay Af-ganbi

General Indhacadde, wuxuu Farmaajo, ku eedeeyay inuu xuska 12-ka April, ku hoos qarinayo abaabulka fowdo siyaasadeed iyo carqaladeynta dhameystirka doorashooyinka iyo dhaarinta Xildhibaannada qaatay shahaadada Guddiga Doorashooyinka heer Federaal.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo wuxuu damacsan yahay Af-ganbi

MUQDISHO, Soomaaliya - General; Yusuf Maxameed Siyaad [Indhacadde] oo ah rug-cadda muddo ku soo dhex jiray hoggaanka ciidanka, oo wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya siiyay, warbaahinta Keydmedia Online, ayaa ka hadlay, arrimo la xariira munaasabadda 12-ka April, marxaladaha doorashada, amniga iyo hubanti la’aanta siyaasadeed ee jirta.

General Indhacadde, wuxuu xusay in 12-ka April, ay tahay “Maalin Qaran” oo ku asteysan aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, wuxuuna maamulka Madaxweynihii hore, Maxamed Candullaahi Farmaajo, ku eedeeyay, in Saddexdii sano ee la soo dhaafay aan la qaban xuska maalintaan, oo aan waligeed hore u baaqan intii Dowladdu shaqeyneysay.

Wuxuu xusay, in u-jeedka Farmaajo ka leeyahay xuska munaasabaddan oo uusan qaban, 2019, 2020 iyo 2021, uu yahay, inuu dalka galiyo fowdo siyaasi ah, isla-markaana ciidanka u adeegsado meel-marinta danihiisa gaarka ah, si loo carqaladeeyo, dhaarinta xubnaha Baarlamaanka 11-aad ee loo ballansan yahay 14-ka April oo Khamiista ku beegan.

General Indhacadde, wuxuu sheegay inuu ka warqabo in saraakiil badan oo ay isaga is xog ogyihiin, ay u diyaarsan yihiin in ay ka hor yimaadaan, haddii Farmaajo isku dayo inuu ciidanka u adeegado sifo sharci darro ah, wuxuuna xaqiijiyay in Ciidanka xusaka ka qeyb galaya ay ku jiraan ‘Badbaado Qaran’ oo diyaar u ah difaaca sharciga iyo kala danbeynta.

Ciidamada Xoogga dalka, ee caawa ku hoyanaya Caasimadda, si ay berri uga qeyb galaan munaasabadda 62 sano guurada ka soo wareegtay aas-aaskooda, ayuu ugu baaqay in ay si wanaagsan u dabaal-degaan maalintooda qaran, hayeeshee, wuxuu uga digay in ay qaataan amarka Farmaajo, oo muddo sanad ka badan sifo aan shari ahayn ku jooga xilka.

General; Yusuf Maxameed Siyaad [Indhacadde], wuxuu siyaasiyiin uu ka mid yahay Cali Maxamed Geeddi, uga digay marin habaabinta ay wadaan iyo shacabka ay qaldayaan, iyaga oo u adeegaya Farmaajo oo shanti sano ee la soo dhaafay u taagnaa, ku tumashada sharciga, kala jabinta ciidanka, kali-talisnimo iyo caburinta siyaasiiinta iyo shacabka reer Muqdisho.

Dhanka kale, Jenaraalku, wuxuu sheegay in la joogo xilligii loo dareeri lahaa doorashada Guddoonka Golayaasha Baarlamaanka, maadaama uu dhameystiran yahay guntanka labada Gole, wuxuuna meesha ka saaray, wararka sheegaya in la sugo, kuraasya gobolka Gedo, kuwa la xayiray iyo kuwa Laftagareen ku xannibay magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayuu ugu baaqay inuu raalli galin ka bixiyo hadallo gaf ah, oo ay si weyn uga caroodeen dad badan oo ka soo jeeda degaannada uu madaxda ka yahay, kadib markii uu dhawaan jeediyay hadal u muuqday isku soofeyn qabiil oo loo fasirtay inuu gadaal ka riixayay Madaxweyihii hore Farmaajo.

Wareysiga oo dhinacyo kala duwan diiradda saaraya, ayay Keydmedia Online, qeybtiisa Koobaad idinla wadaageysaa caawa, waxayna qeybtaan ka hadleysaa 12-ka April, oo ku aaddan munaasabadda lagu xusayo 62 sano guurada ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo la filayo in berri lagu qabto Caasimadda dalka ee Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE    

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.