Farmaajo: Dadku baahi bay ugu dhimanayaan dowlada hoosteeda

New-York(keydmedia) R.wasaaraha xukuumadda KMG ah Max’ed C.llaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in shacab Soomaaliyeed ay baahi darteed ugu dhamanayaan guud ahaan Dalka ha ahaato meelaha ay kooxaha dowlada ka soo horjeeda ka taliyaan ama deegaanada dowlada ay maamusho.
Warar Keydmedia Online

Farmaajo oo wareysi siiyay wakaalada AP ayaa sheegay in ku dhawaad 2.5 Milyan oo ruux ay ku wajahayaan xaalada adag oo dhanka nolasha ah guud ahaan Soomaaliya, isagoona hoosta ka xariiqay in dad badan ay abaar darteed u dhinteen kuwa kalana ay suurta gal tahay dhawaan in ay geeriyoodaan.

Waxa uu dhinac dhigay dhibaatada abaar ee xiligan ka jirta soomaaliya tii 1992 ka dhacday Dalka taasoo ay ku geeriyoodeen 500-kun oo Soomaali ah isuguna jirtay qeybaha kale duwan ee bulshada.

Dhanka kale Farmaajo mar uu soo hadal qaaday quwada ciidamada dowlada waxa uu sheegay in 8000 oo askari ay iminka dowlada u diyaarsan yihiin 1000 kalana tababar uu uga socdo dalka Uganda, waxaana yididiilo wanaagsan uu ka muujiyay isbiirsiga awoodaha Amisom iyo dowlada ee dhanka ciidamada in ay suurta galin karto wiiqida awooda Shabaab.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.