Farmaajo oo dhaliilay reer bariga

New-york(keydmedia) Max’ed C.llaahi Farmaajo ayaa si kulul u dhaliilay hadal dhawaan ka soo baxay xubno ka tirsan maamulka Faroole kaa oo ay ku sheegeen in ay dowladda Shariif Shiikh Axmed uu hogaamiyo ay kala laabteen waxa ay ugu yeereen kalsoonida.
Warar Keydmedia Online

Farmaajo oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ay si weyn ugu kalsoonyihiin shacabka daga Bari iyo Nugaal oo uu ku sheegay dad wanaagsan oo wadaniyada ay ku weyntahay waxaana hoosta uu ka xariiqay in shacabka aysan taageersaneen maamulka Faroole oo ay ku fakar yihiin dowlada shariif uu hogaamiyo .

Hadalka ka soo baxay Farmaajo ayaa muujinaya inuu si weyn u dhaliilsanyahay hadalada laablakaca ku saleysan ee mar walba ka soo baxa ku tirsanayaasha maamulka C.raxmaan Faroole.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.