Farmaajo oo ka qeybgalaya Xaflad dhalasho iyo shacabka Soomaaliyeed oo baahi u dhimanaya

New York(keydmedia) Max’ed C.laahi Farmaajo ayaa uga qeybgalaya Dalka Maraykanka xafalad la xariirta sanad guuradii dhalasho ee Dr. Martin Luther King oo ku beegan maanta.
Warar Keydmedia Online

Ka qeybgalka xafladan ayaa waxaa ku wehliya Farmaajo xaaskiisa Zeynab Cabdi Macalin, la taliyihiisa dhinaca warfaafinta C.raxmaan Yariisow , Iid Bedal oo ka mid ah saraakliisha Soomaaliya wakiilka uga ah QM yo walaalkiis.

Dr. Martin Luther Kingwaa nin ay si weyn u qadariyaan dadka Maraykanka ee madowga ah, waxaana uu ahaa nin caan ku ah u ola-oleynta xuquuqda dadka madow ee looga tirada badan yahay Dalka Maraykanka.

Munaasabadan tamashlaha ah ee uu Farmaajo uga qeyb galayo Maraykanka ayaa ku soo beegmeysa xili dhibaatooyin baahsan oo laga dhaxlay abaaraha ay wajahayeen umadda Soomaaliyeed ee ku nool gobalada kale duwan ee dalka.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.