Farmaajo oo magacaabistiisii kadib markii ugu horeysay maraykanka u duulay

Muqdisho(keydmedia) R.wasaaraha Xukuumadda KMG ah Max’ed C.llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u socdaalay Dalka Maraykanka markii ugu horeysay kadib magacaabistiisii.
Warar Keydmedia Online

Wafdiga Farmaajo ayaa ku hormari doona Imaaradka Carabta iyagoona u sii gudbi doona Dalka Maraykanka oo 14-ka bishan oo ku beegan jimcaha soo socda uu ka furmi doono shir looga hadlayo amniga Soomaaliya.

R.wasaaraha ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehliya wasiiro ay ka mid yihiin  Max’ed C.llaahi oomaar wasiirka arimaha dibada iyo Sahro Max’ed Cali Samatar wasiiru dowlaha xafiiska R.wasaaraha.

Waa socdaalkii labaad ee R.wasaaraha uu u ambabaxo tan iyo markii 14 October 2010 loo magacaabay R.wasaaraha xukumadda KMG ah.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.