Farriin ka timid Amiirka Qatar oo soo gaartay MW Xasan

Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa baddali doona safiirkii isaga ka horreeyay ee Qatar Hassan Bin Hamza Hashem, kaasoo sanadihii la soo dhaafay saameyn xooggan ku lahaa siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xilligii Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Farriin ka timid Amiirka Qatar oo soo gaartay MW Xasan

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay, Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacawday Soomaaliya Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Danjire Al-nuceymi ka guddoomay farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka labada dal, taas oo uu ka siday Amiirka dalkiisa Tamiim Binu Xamad.

“Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa baddali doona safiirkii isaga ka horreeyay ee Qatar Hassan Bin Hamza Hashem, kaasoo sanadihii la soo dhaafay saameyn xooggan ku lahaa siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xilligii Farmaajo.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sidaan oo kale warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Imaaraatka Carabta Axmed Jumca Al-rumeysi, kaasoo isna baddali doona Mohamed Ahmed Othman.

Labadaan dal ee hadda is baddelka ku sameeyay hoggaanka safaaradahooda ayaa shantii sano Farmaajo talada dalka hayay si aan qarsooni lahayn ugu loollamayay siyaasadda arrimaha dibadda dalka, in kastoo Dooxa ka guuleysatay Abu dhabi xilligaas.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.