Faysal Cali Waraabe oo ka tacsiyeeyay geerida Jeneraal Galaal

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Soomaaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa ka tacsiyeeyay geerada Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Faysal Cali Waraabe oo ka tacsiyeeyay geerida Jeneraal Galaal

HARGEYSA, Soomaaliya - Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Soomaaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa ka tacsiyeeyay geerada Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay tahay maalin murugo, Soomaali oo dhanna uu uga tacsiyeynayo geerida AUN Jeneraal Maxamed Nuur Galaal.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, wuxuu marxuumka geeriyooday ku tilmaamay inuu ahaa ninkii ciidamada Soomaaliya dhidibada u taagay, isla maraakana ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee hayay taariiqada gees-ka Afrika.

Dadka kasoo jeeda koofurta iyo baratamaha Soomaaliya ayuu ugu baaqay in tashtaan oo ay qaddiyad cad la yimaadaan, isago sheegay in Farmaajo uusan amni sugid ugu maqneyn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.