Feejignaan iyo ‘Taxaddar amni’ muuji hadii Muqdisho joogtid!

Digniinta ayaa imaanaysa xili Al-Shabaab lagu jebiyay dagaalka Gobollada Dhexe, kaasoo keenay in dagaalyahano badan soo galaan Muqdisho, iyagoo damacsan weeraro.

Warar Keydmedia Online
Feejignaan iyo ‘Taxaddar amni’ muuji hadii Muqdisho joogtid!

MUQDISHO, Soomaaliya - Dadka ku nool Muqdisho waxaa looga digay qaraxyo kusoo foodleh, oo kooxda Al-Shabaab la damacsan tahay meelo muhiim ah, oo shacabka u badan.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa dadka kula talisay inaysan joogteyn huteellada, Maqaaxiyaha iyo Goobaha kale ee la isagu yimaado, si looga fogaado khasaaro badan oo ka dhasha qaraxyada.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Al-Shabaab ay qorsheynayso weeraro aargoosi ah kadib markii in ka badan kun xubnood looga dilay dagaalka ka socday Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/Dexe.

Laamaha amniga ayaa helay Macluumaad muujinaya inay Baabuur qaraxyo lagu soo xiray ay ku jiraan magaaladda, waxaana la dhigay Ciidamo badan wadooyinka, kuwaasoo baaritaan sameynaya.

Goobaha muhiimka ah ee la sheegay in weerarada ku wajahan yihiin waxaa kamid ah Safaaradda Turkiga, Garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyadda, waxaana suurta-gal ah inay jiraan meelo kale.

Al-Shabaab ayaa 29-kii bishii hore ee October labo qarax ka fulisay Zoobe, kuwaasoo ay ku dhinteen 121 qof, waxaana ku xigay mid kale oo ka dhaxay Xerada Dhega-Badan ee degmada Wadajir.

Cabsi badan oo dhanka amniga ayaa ka jirta Muqdisho, waxayna dadka muujinayaan taxadir, iyadoo xili kasta uu dhici karo qarax ama weerar, Al-Shabaab uga jawaabeyso duulaanka lagu qaaday.

Reer Muqdisho waa dareen ku nool, waxaa laga sheekaysto ayaa noqdey halkee wax ka dhaceen, yaa ku dhintay iyo qarax baa magaaladda ku jira, ee dhaq-dhaqaaqa yareey!

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.