Feysal Cali Waraabe “Farmaajo Waxba ma soo kordhin karo”

Hargeysa(keydmedia) Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Waqooyga Soomaaliya ka dhisan Feysal Cali waraabe ayaa si kulul u weeraray siyaasada iyo qaab dhaqanka Max’ed C.llaahi Farmaajo oo dhawr bilood ka hor loo magacaabay R.wasaaraha Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

“Farmaajo qabiir kuma ahan xaalada Soomaaliya, isaga uu Dugsiga sare ka baxay ayuu ka tagay Dalka waxaana tan iyo xiligaas uu ku noolaa Dalka Maraykanka, ma yaqaano Soomaalida sida ay u kala degto iyo waxa ay isku heysato hadaba muxuu soo kordhin karaa ninka ceynkaas ah?” sidaa waxaa yiri Feysal Cali Waraabe oo la hadlayay Warbaahinta.

Dhaliisha uu Feysal Cali waraabe u soo jeediyay R.wasaare Farmaajo ayaa ku soo beegmeysa xili Farmaajo xukuumadii uu soo dhisay uu ku magacaabay Tayo isla markaana uu ku celceliyay in wax badan uu ka qabanayo xaalada cakiran ee dalka iminka uu ku jiro.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.