Filim duubayaal lagu xiray Marka

Muqdisho(Keydmedia) Warar ay keydmedia ka heshay magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh.hoose ayaa sheegaya in xoogaga dowladda ka soo horjeeda ku xireen laba wiil oo ku shaqeysan jirtay duubista aroosyada.
Warar Keydmedia Online

Dhalinyarada la xiray ayaa lagu kala magacaabaa Xasan Khalfaan iyo Nuurow, iyagoona dhalinyaradan xiligii la qabanayay ay ku howlanayeen duubista Filim aroos, waxaana kooxda halkaasi ka talisa ay kol hore soo saareen amar ah in Aroosyada aan lala tagi Karin kaamirooyin.

Labada wiil oo hadda ku xiran saldhiga Marka ayaa waxaa sida wararka aynu ku heleyno waxaa la qorsheynayaa in meel fagaara ah lagu karbaasho saacadaha soo socda.

Deegaanada ay ka taliyaan xoogaga mucaaradka ayaa kol hore waxaa laga soo saaray amaro ku aadan qaab dhaqmeedka aroosyada iyadoona amarada ay soo saareen ay ka mid ahaayeen mid tilmaamaya in aroosyada aan lagu galbin Karin gawaari ka badan 3.

 WWW.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.