Fiqi: Bakaaraha wuxuu u xirnaa Askar katirsan NISA oo dharka bedeshay

Saddex maalmood lama furin qeybta lagu iibiyo qalabka dhismaha ee ku teedsan Jid-Mareexaanka, waxaana arintaas ka hadashay dowladda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Fiqi: Bakaaraha wuxuu u xirnaa Askar katirsan NISA oo dharka bedeshay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug, ahna Xildhibaan katirsan Baarlamaanka waqtigiisu dhamaadey Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyay xog xasaasi ah.

Qoraal uu Maanta soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay inuu helay macluumaad sheegaya in askar katirsan NISA, oo dharka bedeshay uu Bakaaraha u xirnaa saddex maalin.

Ugu danbayn suuqa Bakaaruhu wuxuu u xirnaa maalmihii tagey askar ka tirsaneyd NISA oo dharka bedeshay, lacag baad ah oo badanna ka qaaday ganacsatada!

Wuxuu sidoo kale Fiqi oo horey agaasimaah NISA usoo noqdey dowladdii Sheekh Shariif su'aal ka keenay cida ka dambeysa dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaaladda Caasimadda ah.

Horey waxaa loo baahiyay in Suuqa ay xirtay Daacish markii loo diiday lacag ay ka dalbatay Ganacsatada, oo cadadkeeda la sheegin. Xukuumadda wali ma sameynin wax tallaabo ah.

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa canshuur qasab ah ka qaada magaalooyinka dowladda xukunto iyo kuwa Maamul Goboleedyada, taasoo dhibaato ku noqotay ganacsiga Soomaaliya.

Bil kasta, Al-Shabaab $15 milyan oo dollar ayay ka heshaa Ganacsiga Muqdisho kaliya, iyadoo lacagtaas ay kordhayso madaama Kooxdu billowday inay dhulka lakala iibsado canshuurto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.