Fiqi Booqasho Todobaad ah uga bilaabatay Pakistan

Safarkan ayuu mudane Ahmed Moallim Fiqi ku sheegay in ay wax badan uga faa’ideysan doonaan khibradda Pakistaan ee la xiriirta federalism-ka, nidaamyada dowladaha hoose iyo hannaanka diwaangelinta iyo aqoonsiga.

Warar Keydmedia Online
Fiqi Booqasho Todobaad ah uga bilaabatay Pakistan

ISLAMABAD - Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ahmed Moallim Fiqi ayaa booqasho todobaad ah waxaa ay uga bilaabatay dalka Pakistan.

Wafdiga wasiirka oo ay qeyb ka yihiin Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ayaa inta ay joogaan dalkaasi waxaa ay geli doonaan kulammo iyo doodo la xiriira arrimaha federaalka, dastuurka, maamul daadejinta, dowlad dhiska iyo diiwaangelinta dadweynaha.

Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiinta la socotay waxaa ay maanta kulan gaar ah la yeesheen hay’adda diiwaangelinta Pakistan ee NADRA, taas oo dowladda Soomaaliya ka gacan siin doonta aqoonsiga qaranka iyo diiwaangelinta dadweynaha.

Qof Banii’aadamka waxaa uu xaq u leeyahay inuu helo aqoonsi sharci ah, waayo ma dhici karto qofka inuu helo adeegyo sida amniga iyo cadaaladda haddii aaney dowladdu aqoonsanin”, sidaasi waxaa yiri Dhaariq Maalin oo ah madaxa hay’adda NADRA.

Wasiirka oo khudbad kajeediyay kulankaasi ayaa waxaa uu ugu horreyn ka hadlay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Pakistan tan iyo 1960-kii, iyada oo labada dal ay ahaayeen xubnihii wax ka aasaasay ururka Iskaashiga Islaamka iyo sida dalkaasi qeyb u ahaa dadaalladii nabad ilaalinta xilligii dagaallada sokeeye.

Safarkan ayuu mudane Ahmed Moallim Fiqi ku sheegay in ay wax badan uga faa’ideysan doonaan khibradda Pakistaan ee la xiriirta federalism-ka, nidaamyada dowladaha hoose iyo hannaanka diwaangelinta iyo aqoonsiga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu sheegay oo kale in dowladda Soomaaliya ay baahi degdeg ah u aragto nidaamka diwaangelinta dadkeeda, taasi oo wax badan ka tari doonta horumarinta dowlaha hoose iyo u adeeggidda shacabka, oo ay u dheer tahay qaabka lagu hirgelin karo cadaalad bulsho, amni iyo kala dambeyn.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxaa rajo weyn ka muujiyey in isaga iyo wafdigiisa inta ay joogaan Pakistan ay wax ka baran doonaan 75 sano oo qaran dhis, nidaam federaal ah iyo arrimo kale oo ay ku jiraan ladagaalanka argigixisada. 

Kulanka waxaa sidoo kale ku jiray hay’adaha UNDP Soomaaliya iyo UNDP Pakistan, waxaana xusid mudan in muddada ay Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Wafdigiisa ay dalkaasi joogaan la kulmi doonaan wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Pakistan.

War-Saxaafadeed

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.