Fiqi oo Qoorqoor ku eedeeyay boobka kursiga HOP095

Xildhibaan Fiqi, ayaa beelaha deggan Mudug ugu baaqyay in ay u midoobaan, ilaalinta xuquuqdooda siyaasadeed iyo doorashada cidda barlamaanka ku matalaysa, aysanna raalli ka noqon kala qeybinta iyo wax isdaba-marinta ay Qoorqoor

Warar Keydmedia Online
Fiqi oo Qoorqoor ku eedeeyay boobka kursiga HOP095

GAALKACYO, Soomaaliya – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, oo ka hadlay, xiisadda ka taagan, magaalada Gaalkacyo, ayaa Madaxweynaha Galmudug, ku eedeeyay boobka kursiga HOP095, kaas oo doorashadiisu ka dhalatay xiisad siyaasadeed.

Xildhibaan Fiqi, oo ah shaqsiga ugu weyn ee sida togan ugu soo hor jeestay, nidaamka Qoorqoor, ayaa tilmaamay in beelaha loo diiddan yahay in ay si xaal ah u doortaan kuraastooda, taasina ay sababtay xiisadda aloosan.

Fiqi, wuxuu xusay, in Qoorqoor, si cad ugu sheegay odayaasha, in ay soo xushaan 65% ergada, halka uu inta kale, isagu soo xuli doono, wuxuuna la yaab ku tilmamay, ku dhaca, intaas la eg, ee uu ku dhaqaaqay Qoorqoor.

Waa nin aqoondarradiisu ay gaarsiisay in Odoyaashii iyo reeraha kuraasta la dooranayo lahaa hortooda uu uga hadaaqo in soo xushaan ergada 65% ka mid ah, inta kalena asagu uu soo qorayo! Waxa la isweydiiyey asagu ma oday dhaqameed beesha ka tirsan baa? Ayuu yiri Fiqi.

Wuxuu beelaha deggan Mudug ugu baaqyay in ay u midoobaan, ilaalinta xuquuqdooda siyaasadeed iyo doorashada cidda barlamaanka ku matalaysa, aysanna raalli ka noqon kala qeybinta iyo wax isdaba-marinta ay Qoorqoor iyo adeegayaashiisu ka dhex wadaan beelaha.

Reer Mudug waxaan ku leeyaha”Qoorqoorkii la tag u bartay, ka dhiciya waa ku adag tahay, laakin Mudug waa in ay noqotaa meeshii dhurwaaga lagu edbin lahaa ayadoo la ilaaliya nabadda iyo xasiloonida! Ayuu ku sii daray.

Sida ay Keydmedia Online, u xaqiijiyeen, dad kala duwan oo ku sugan koofurta Gaalkacyo, ciidamadii ugu badnaa iyo gaadiid dagaal ayaa lagu arkayaa, agagaarka madaxtooyada Galmudug ee Gaalkacyo, halkaasoo uu ku sugan yahay Madaxweyne Qoorqoor.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa sidoo kale, muujinaya, ciidamo xooggan oo ku sugan afaafka hore ee Madaxtooyada, kuwaas oo si cad u sheegay in uusan Qoorqoor ka bixi karin halka uu ku jiro.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.