Gaadiidleyda jawhar oo dhameestirtay dhismo wado

Jawhar(keydmedia) Gudiga Gaadiidleyda magaalada Jawhar ee xarunta gobalka Sh.dhex ayaa ku guuleestay in ay dhameestiraan dhismaha wado xariirisa Bariga iyo Galbeedka Magaalada Jawhar
Warar Keydmedia Online

Wadadan oo ah Buundo laga dareemayay dhawaanahan Burbur ayaa lagu dhisay lacago ay iska aruuriyeen gaadiidleyda, waxaana dhiasmaha uu socday mudo dhawr todobaad ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xiligii uu socday dhismaha ay dhibaatooyin kala kulmeen gudiga dhalinyaro ka tirsan maamulka Al-shabaab kuwaas oo lacago baad ah ka qaaday gudiga.

Inta badan wadooyinka dalka ayaa laga dareemayay tan iyo markii la waayay taliskii dhexe ee Soomaaliya burbur xoog leh iyadoona xiliyada qaar la arkayay dad u taagan wax ka qabashada burburkaasi.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.