Gaariga abaanduulaha ciidamada Milatariga oo burburiyay gaari kale

Muqdisho (keydmedia) Gaariga Abaanduulaha ciidamada Milatariga dowlada KMG ah C.kariin Faarax Dhagabadan ayaa duhurnimadii maanta ku burburiyay gaari kale wadada maka-almukarama.
Warar Keydmedia Online

Falkan gaariga dhaga badan uu ku burburiyay gaariga kale ayaa ka dhacay ilinka hore ee daarta Three biyaano, waxaana ciidamada ilaalada u ah dhaga badan ay handadeen darwalkii Gaariga  waday,wallow aanay dhibaato gaarsiin.

Gaariga uu watay taliya oo ahaa nooca dagaalka ayaa kolkii uu hartiyay gaariga kale waxaa aad uga naxay dadkii fadhiyay hareehaha wadada Maka-almukarama waxaana dadka ay muujiyeen feejignaan dheeri ah.

Gawaarida dagaal ee ay adeegsadaan mas’uuliyiinta iyo ciidamada dowlada ayaa dhibaato u geesta shacabka Soomaaliyeed iyadoona aanu jirin wax daryeel ama magdhaw ah oo ay ka dhiibto dowlada dhibaatooyinka gawaarideeda iyo ciidamadeeda ay shacabka gaarsiiyaan.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.