Gabar barata Caafimaadka oo askarta ku dishay Muqdisho

Todobaad kahor ayay ahayd markii Askarta wadada Dabka ku dileen labo dhalinyaro ah oo isla dhashay iyo wiil kale oo isna lagu dilay Zoobe.

Warar Keydmedia Online
Gabar barata Caafimaadka oo askarta ku dishay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Askarta dowladda Farmaajo ayaa jidadka Muqdisho ka wada dilal arxan darro ah, oo ay u geysanayaan dadka shacabka ee aan hubeysnayn si micno la'aan ah.

Waxay dilkii ugu dambeeyay u geysteen Maryan Maxamed Xirsi oo u geeriyootey Maanta dhaawacii kasoo gaarey rasaas askar ku ridey iyadoo saaran Bajaaj degmada Wardhigleey Dec 11.

Dr Maryan waxay ahayd arday sanadkii ugu dambeeyay ku jirtay cilmiga Caafimaadka, oo ka baranaysay Jaamacadda Benaadir, waxayna Maanta ku dhimatay Isbitaalka Digfeer.

Iyadoo Dr Maryan kasoo laabatay Isbitaalka Aadan Cadde, oo tababar ku qaadan jirtay ayaa askari ku dhaawacay Isgoyska-florence xili maqrib ah oo ay kusii jeeday Gurigooda.

Todobaad kahor ayay ahayd markii Askar militeriga katirsan ay wadada Dabka ku dileen labo dhalinyaro ah oo isla dhashay iyo wiil kale oo isna lagu dilay Isgoyska Zoobe.

Waxay askarta dilayaan shacabka loo tababarey inay ilaaliyaan, ee casnhuurtii laga qaado Mushahaarkooda lagu bixiyo. Ma jirta isla-xisaabtan, taasoo dheera-gelisa falalkan oo kale.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.