Gabar Soomaali ah oo qabsatay hadal-heynta Warbaahinta Masar

Gabadhan ayaa mindi ku dishay ninka isku dayay inuu kufsado, kaasoo la sheegay inuu ahaa darawalka Mooto Bajaaj, kasoo qaadey Gurigeeda.

Warar Keydmedia Online
Gabar Soomaali ah oo qabsatay hadal-heynta Warbaahinta Masar

MASAR - Xafiiska Xeer Ilaaliyaha dalka Masar ayaa amar ku bixiyay in xabsiga laga sii daayo Gabar Soomaali ah oo la sheegay inay dishay nin Darawal ah, oo isku dayay inuu kufasado.

Gabadha oo15-sano jir ah, waa Qaxooti ku nool Masar. Waxay isku dhiibtay Saldhig booliska ugu dhaw markii ninka ay mindida ku dishay Darawalkii Bajaajta ee damcay inuu kufsado.

Gabadha ayaa booliska u sheegtay in darawalka oo kasoo qaadey Gurigeeda uu u kaxeeyay meel aan cidna deganayn oo uu rabey inuu ku kufsado, isagoo qoorta ugu qabtay mindi.

Waxa ay intaasi ku dartay in ay dhaawacyo ka soo gaareen faraheeda ka hor inta aysan ku guuleysan in ay ka dafto tooreyda oo ay ku dhufato kufsadaha, oo isla goobta ku geeriyoodey.

Xeer ilaalinta Masar, ayaa sheegtay in baaritaannada booliiska iyo kuwa Caafimaadku ay muujinayaan in sheegashadda gabadha ay tahay mid macquul ah.

Dhanka kale, baaritaan lagu sameeyay meydka darawalka ayaa lagu ogaaday in sababta dhimashadu ay muujisay qaabka ay gabadha u sheegtay iyo in la adeegsaday mindi goobta laga helay, taasoo kasoo muuqday farihiisa.

Sheekada Gabadhan Soomaaliyeed oo aan magaceeda la sheegin, ayaa qabsatay cinwaanada Warbaahinta Masar, iyadoo taageero ka heshay dadka isticmaala baraha bulshada ee Masar oo soo dhaweeyay sida ay isu difaacday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.