Gabar 13 jir ah oo lagu kufsaday Lafweyn kadibnah la Gowracay

Muqdisho (KON) - Wararka naga soo gaaraya Tuulada Lafweyn oo 20 kilo mitir galbeed kaga beegan degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa sheegaya in Gabar 13 Jir ah halkaasi lagu Kufsaday kadibnah la gowracay.
Warar Keydmedia Online

Maydka Gabartaan ayaa laga helay Meel buur ah ayadoo la gowracay.

Ehelka Xaliimo Xusseen Warsame ayaa Warbaahinta u sheegeen in gabadhooda la Kufsaday kahor intii la Gowricin.

Ilaa iyo hada ma cada Cida falkaan naxdinta leh geesteen.

Xaliimo ayaa Shalay Suxnimadii xoolo raacday, illaa xalayna ay qoyskeeda baadi-goobayeen markii ay waayeen xilligii ay guriga u soo hoyan lahayd.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.