KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ugu yaraan lix askari ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalkii ka dhacay xalay duleedka magaaladda Dhuusamareeb, oo ah Caasimadda Galmudug.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa dib usoo cusboonaadey dagaalkii Ahlu Sunna kula jirtay Maamulka Galmudug, ee uu hogaamiyo Qoor-Qoor, kaasoo salka ku haya awoodda iyo xukunka.
Dagaal culus oo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa xalay ka dhacay degaanka Balli-Bire oo dhanka Waqooyi kaga beegan magaaladda Dhuusamareeb, kaasoo u dhaxeeyay Malleeshiyada Ahlu Sunna iyo Ciidanka Galmudug oo garab ka helayo kuwa dowladda Soomaaliya.
Waxaa dagaalka lagu dilay 6 Askari, oo labada dhinac ah, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta Galmudug, iyadoo wali taagan tahay Xiisad iyo hub aruursi.
Goobjooge la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in Dagaalkii Xalay uu billowday markii Ciidamada DF, oo kasoo baxay xarunta Madaxtooyadda ee Dhusomarreeb la kulmay weerar gaadmo ah.
Wararka ayaa sheegay in Ciidanka kasoo baxay magaaladda ay rabeen inay soo dhaweeyaan Askar la soo xiriirtay oo sheegay in ay kasoo goosteen Ahlu Sunna, oo saldhig ku leh duleedka Dhuusamareeb. Labo Gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa Ciidanka looga gubey weerarka, waxaana looga qabsadey hub badan.
Dagaalka ayaa imaanaya xili dhawaan Galmudug soo afjartay doorashadda kuraasta Baarlamaanka, waxaana jira tabashooyin ka dhashay qaabka Qoor-Qoor usoo xulay Xildhibaanada cusub.
Ahlu Sunna ayaa sanadkii hore dagaal looga soo saarey Guriceel, waxanya Kooxda isagu gaysay awoodeeda degaanno ku dhaw Dhuusamareeb, oo ay ku sugan yihiin hogaamiyeyaasha sare sida Maclin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.