Qoor Qoor iyo Deni oo dhex-dhexaadinaya khilaafka doorashadda

Hogaamiyeyaasha labadan Maamul ee deriska ah ayaa Maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay Waqooyiga magaaladda Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor iyo Deni oo dhex-dhexaadinaya khilaafka doorashadda

GAALKACYO, Soomaaliya - Madaxda Galmudug iyo Puntland ayaa Maanta ku kulmay waqooyiga Gaalkacyo, iyagoo kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka Soomaaliya iyo khilaafka taagan.

War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen dhamaadka shirka, ayaa Deni iyo Qoor waxay ku shaaciyeen inay dhexdhexaadin doonaan Musharixiinta Mucaaradka iyo Farmaajo, si xal loogu helo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

Waxay si gooni gooni ah ula kulmi doonaan dhinacyada iska soo horjeeda, iyadoo la filayo inuu dhawaan Muqdisho ka furmo shir looga hadli doonan xaaladda cakiran ee ka jirta xilligan Soomaaliya iyo qabsoomida doorasho loo dhan yahay.

Lama oga doorka dhexdhexaadinta Deni iyo Qoor inuu noqon karo mid mira-dhal ah, maadaama arrimaha la isku hayo ay adag yihiin, islamarkaana aan muuqan inuu Farmaajo diyaar u yahay heshiis in laga gaaro khilaafka taagan.

Shalay, gudiga lagu muransan yahay ee doorashadda ayaa soo saarey jadwalka doorashadda Aqalka Sare xili aan laga heshiin arrimaha la isku hayo, waxaana Musharxiinta ay tallaabadan ku tilmaameen mid Farmaajo ku doonayo inuu ku shubto doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.