Galmudug oo Alshabaab kala wareegtay fariisimo hore

Ciidamada Daraawiishta oo uu la socdo wasiirkii Amniga gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa la wareegay degaanno hor leh kuwaasoo ay horay u joogeen Al-Shabaab

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo Alshabaab kala wareegtay fariisimo hore

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ciidamada Daraqwiishta Galmudug oo uu horkacayo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Al-Shabaab kala wareegay degaanno ka tirsan Koonfurta Gobalka Mudug.

Degaannada ay ciidanku gaareen waxaa ka mid ah degaanka Caad oo ay ciidamadii Al-Shabaab isaga carareen kaddib markii la baacsaday, toddobaadyadii hore ayay ahayd markii ciidamda Al-Shabaab oo fariisin ka sameystay degaanka Caad ay weerar ku qaadeen deegaanka Bacaadweyn halkaasoo ay ku dileen tiro dad ah oo isugu jiray ciidamadii deegaanka kuwii Galmudu iyo dad shacab ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.